➡️ Wararka soo baxay shalay (01 Maarso 2026) waxay sheegayaan in xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo dad rayid ah lagu soo celiyey garoonka Aden Adde International Airport ee Muqdisho, kadib markii diyaaraddii Daallo Airlines ay aan loo oggolaan inay ka degaan magaalada Garoowe.
➡️ Diyaaradda oo siday xildhibaano ka soo jeeda maamulka Puntland iyo rakaab kale ayaa lagu qasbay inay dib ugu noqoto Muqdisho waxaana rakaabku hadda ku sugan yihiin garoonka Muqdisho sugaya go’aan rasmi ah.
➡️ Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadlin sababta loo diiday inay diyaaradda ka degaan Garoowe, taasoo dhalisay jahawareer iyo walaac siyaasadeed


