Nagu Saabsan
Gorfeyn Media waa madal warbaahineed oo u heellan falanqaynta arrimaha siyaasadda, bulshada, dhaqaalaha, iyo horumarka guud. Ujeeddadeennu waa inaan bulshada u soo gudbino xog sugan, aragtiyo miisaaman, iyo falanqayn qoto dheer oo ka tarjunta xaqiiqada taagan, kana fog eex, xagjirnimo, iyo warar marin habaabin ah.
Waxaan rumeysanahay in warbaahin masuul ah ay tahay tiir muhiim u ah dhismaha bulsho wacyi leh. Sidaas darteed, Gorfeyn Media waxay diiradda saartaa soo bandhigidda warar iyo maqaalal ku saleysan xaqiiqo, cilmi, iyo faham ballaaran, si akhristaha ama daawaduhu u helo aragti dhammaystiran oo ku saabsan dhacdooyinka hareerihiisa ka socda.
Gorfeyn Media waxay si gaar ah u dhiirrigelisaa ka-qaybgalka aqoonyahannada, saxafiyiinta, iyo dhalinyarada fikirka furan, iyadoo u aragta in kala duwanaanshaha aragtidu uu yahay saldhigga horumarinta dood caafimaad qabta. Ujeeddadeennu ma aha oo kaliya tebinta wararka, balse waa gorfeyn, falanqayn, iyo fahamsiin.
Gorfeyn Media waxay u taagan tahay:
Daahfurnaan iyo hufnaan
Saxafiyad ku dhisan anshax
Fikir xor ah iyo falanqayn miisaaman
Wacyigelin bulsho iyo mas’uuliyad warbaahineed
Waxaan ku dadaaleynaa inaan noqono cod lagu kalsoonaan karo oo ka qeyb qaata dhismaha mustaqbal wacan oo ku dhisan aqoon, is-faham, iyo wada noolaansho.