Dhibaatada katagan Yemen iyo Baxsashadii Aidarous al-Zubaidi

Isbahaysiga Sacuudiga ee dagaalka Yemen ayaa ku dhawaaqay in Aidarous al-Zubaidi, hoggaamiyaha Southern Transitional Council (STC) ee Yemen – kaas oo uu taageero dhaqaale iyo siyaasadeed ka helay Imaaraadka Carabta – uu habeenkii 7-da Janaayo 2026 si qarsoodi ah uga baxay dekedda Cadan ee Yemen isagoo badda kaga baxay doon, kuna sii jeeday Somaliland.

Sida ay sheegtay warbixinta Isbahaysiga, AIS (Automatic Identification System) ee markabka ayaa la damiyey inta uu safarka badda ku jiray — taas oo muujinaysa in uu doonayey inuu baxsado isagoo aan la ogaan Karin.

Markabka waxa uu galabnimadii tegay dekedda Berbera ee Somaliland, halkaas oo Zubaidi iyo kooxdiisu ay la xiriireen saraakiil u dhashay Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Major General Awad Saeed Musleh al-Ahbabi — taliyaha hawlgallada midowga ee ciidamada UAE.

Ka dib markii ay ka soo degeen Berbera, kooxdu waxay fuuleen diyaaradda IL-76, taas oo markii hore u gashay Muqdisho, halkaas oo ay ku sugnaayeen saacado kooban, ka dibna u duulayeen dhinaca Gacanka Ciraaq/Abu Dhabi, iyadoo mar labaad maydhan la damiyay aqoonsiga diyaaradda inta ay hawada ku jirtay. Ugu dambayn waxay caga dhigatay Salad military ee Al-Reef ee Abu Dhabi oo ay leeyihiin Imaaraadka Carabta.

Somalia ayaa xaqiijisay in ay baaritaan ka bilaabatay adeegsiga sharci-darro ee garoomada hawada iyo dekedaha iyada oo ay arrintani abuurtay welwel ku saabsan ku xadgudubka madaxbannaanida iyo adeegsiga garoomada qaran.  


Sidee Dagaalku ku Bilowday iyo Sababta Wuxuu u Dhinac Jeestay?

Dagaalka Yemen waa mid sii socday tan iyo 2015, markaas oo Isbahaysiga Sacuudiga uu faragelin ciidan ku sameeyay Yemen si uu u taageero dowladda caalamiga ah loo aqoonsan yahay ee ka soo horjeeda xoogagga Houthis ee Iran taageero u haya. Qaramada Midoobay ayaa dagaalkaas ku tilmaamtay mid naf iyo burburba leh, oo sababay in in ka badan boqollaal kun oo qof ay ku dhinteen ama barakaceen.

Xukuumadda Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa markii hore ka wada shaqeyn jiray Yemen, hase yeeshee kala duwanaanshaha danaha siyaasadeed ee gudaha koonfurta Yemen ayaa keenay inay xiriirkooda miliqo. Imaaraadka ayaa taageeray ururka separatistiga ah ee STC, halka Sacuudigu uu saldhigyada siyaasadeed ka taageerayay dowlad dhexe oo mideysan.  

Dagaalku wuxuu gaaray heerkii ugu xumaa bilihii u dambeeyey markii STC ay qaaday tallaabooyin ciidan oo ay ku qabsadeen gobalada istaraatiijiga ah sida Hadhramaut iyo Al-Mahra, kuwaas oo xuduud la leh Sacuudiga. Sacuudigu wuxuu ku eedeeyay STC inay khatar ku tahay amaankeeda qaranka, taasoo keentay weerarro cirka ah, hogaamiyaha STC in lagu eedeeyo “burburin qaranka,” laguna dalbado inuu ka soo qeyb galo wada hadallo Muqdisho laga bilaabay iyo Riyadh.

Markii uu Zubaidi diiday inay shirarkaasi ka qeybgalaan, xiriirkii u dhexeeyay Sacuudiya iyo Imaaraatku wuu daciifay, taasoo horseeday in dhanka Sacuudigu uu hoos u dhigo taageeradiisa STC, halka Imaaraadku ay sii ahaayeen garabkiisa ilaa iyo intii uu baxsaday.  


Xaaladda Hadda Taagan

  • Aidarous al-Zubaidi ayaa laga eryay Golaha Hogaaminta Madaxweynaha Yemen, laguna eedeeyay “dambiyo ay ka mid yihiin high treason” kadib markii uusan u imaan shirarka lagu qabtay Riyadh.  
  • Tani waxay sii adkaysay kala qaybsanaanta iyo colaadda gudaha Yemen, iyadoo Sacuudigu uu ku baaqay dib u heshiisiin, halka Imaaraadku aanu weli ka hadlin eedeymaha loo jeediyay.  
  • Warbixinno ayaa sheegaya in dagaalka gudaha Yemen uu galay marxalad cusub oo xasaasi ah, iyadoo qaramada caalamka ay weli baabi’inayaan isku dayo nabadeed.  

Maxay ka tiri dowlada somaliya adeegsiga hawadeda iyo dekedeheda ee sida sharci darada lo isticmalay

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa bilaawday baaritaan ku saabsan warar sheegaya in si aan sharciga waafaqsanayn loo isticmaalay garoomada iyo hawada dalka si loo fududeeyo dhaq-dhaqaaqa siyaasiga Aidarous Al-Zoubaidi,”

ayaa lagu yiri war kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

Gunaanad

Dhacdadan qarsoodiga ahayd ee Aidarous al-Zubaidi ay uga baxsaday Yemen una maray Somaliland ilaa Imaaraadka Carabta waxay ka tarjumaysaa kala qaybsanaanta siyaasadeed ee maamulka ka jira koonfurta Yemen, kala duwanaanta u dhaxaysa dowladaha gobolka, iyo xiisadaha sii kordhaya ee saameeya amniga, siyaasadda iyo xasiloonida Bariga Dhexe. Waxaa sidoo kale ay muujinaysaa sida colaadda Yemen u noqotay mid aan kaliya ahayn dagaal gudaha ah, balse ay ku lug leeyihiin dano diblomaasiyadeed iyo colaado goboleed oo ka baxsan xuduudaha Yemen lafteeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *