Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shirar Muhiim ah kula Qaatay Jigjiga Madaxda Gobolka

Jigjiga, Jannaayo 31, 2026 — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Jigjiga, xarunta Deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-waal.

Intii uu ku sugnaa Jigjiga, Madaxweynaha ayaa kulammo heer sare ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, kuwaas oo ka wada arrinsaday xaaladda guud ee amniga iyo siyaasadda Geeska Afrika, iyo sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha ka jira gobolka.

Kulammadaasi ayaa si gaar ah diiradda u saaray:

  • Xoojinta amniga gobolka iyo iskaashiga dalalka deriska ah
  • Isku-duwidda dadaallada xasillinta siyaasadeed ee Geeska Afrika
  • Kobcinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi, gaar ahaan isku-xirka kaabeyaasha dhaqaalaha
  • Doorka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta midnimada, madax-bannaanida iyo qarannimada dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka ay mudnaanta siinayso diblumaasiyad firfircoon, oo ku dhisan deris wanaag, wada-tashi joogto ah iyo iskaashi istiraatiiji ah, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo horumar wadajir ah oo ka hanaqaada Geeska Afrika.

Sidoo kale, inta uu ku sugan yahay magaalada Jigjiga, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galaya xarig-jarka mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo la xiriira adeegyada bulshada, ganacsiga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, isla markaana la filayo inay door muuqda ka qaataan kobaca dhaqaale iyo horumarinta nolosha shacabka gobolka.

Booqashadan iyo kulammada ka dhacay Jigjiga ayaa muujinaya muhiimadda sii kordheysa ee iskaashiga gobolka, iyo sida ay Soomaaliya uga go’an tahay inay noqoto tiir xasillooni, wada-hadal iyo horumar ka dhex jira Geeska Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *