
Run ahantii cinwaankan waa mid muhiim u’ah bulshada somaliyeed qaasatan jiilka hada nool, si’ay wax un ooga ogaadan cida ay yihiin ama sinjigoodo waxa uu yahay, waxa ladhihi kara waa kii oogu muhiimsanaa oo aan so qoray.
“Heerka cilmiga iyo aqoonta“
Somaliya waxay leedahay taarikh dheer oo cilmi iyo suugan ah
>cilmiga dhaqanka iyo diinta ayaa ahaa mid si wanagsan loo barto 1000ki sano ee udanbeeyey geyiga somaliyeed kaasi oo uhorseday iney ahaadan kuwo diin ahan iyo dhaqan ahaan ba wanaagsan, boqortooyoyinkii somaliyeed waxa muujiyeen taagero buuxdo ay uqaban barashada cilmiga noocyadiisa
>Waxa jira culimo badan dhanka suuganta iyo diinta kuwaso xitaa kaso qayb qaatay ladagaalanka gumeystaha af iyo adin ba sida
- Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi): Waxaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah faylasuufiinta suugaanta Soomaalida.
- Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye): Abwaan iyo aqoonyahan ku caan ahaa hal-abuurka murtida fog.
- Ismaaciil Mire: Abwaan iyo taliye ciidan oo caan ku ahaa maansooyinka taariikhiga ah.
- Cali Dhuux Aadan: Mid ka mid ah raggii ugu murtiyaysnaa xilligii silsiladda Rayid.
- Salaan Carrabay: Abwaan caan ku ahaa xikmadda iyo aftahannimada.
- Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub): Abwaan iyo curiye riwaayadeed oo caan ahaa.
- Cabdiqaadir Xirsi (Yamyam): Abwaan aqooneed oo suugaantiisu dhinacyo badan taabanaysay.
- Cabdullaahi Qarshe: Aabbihii muusikada Soomaalida iyo abwaan caan ah.
- Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacaadle): Abwaan suugaantiisa ku difaaci jiray diinta iyo wadaninimada.
- Xasan Dhuxul (Laabsaalax): Mid ka mid ah abwaanada casrigan ee aadka loo yaqaan.
>heerka aqoonta iyo cilmi baaristu wuxuu ahaa mid sare, iyadoo boqortoyoyinkii ay maalgalin jireen xarumo wax barasho oo kala duwan kuwaas oo gaarsiyey 70% bulshada kuwas oo awoda iney wax qoraan waxna aqriyan.
“Boqortooyoyinkii somalia kaso taliyey“
>boqortoyadii ajuuran Q:(13aad-17aad), boqortoyadaas waxay ahayd mid kamid ah boqortoyoyinkii ugu awooda badnaa xiligaas geeska afrika, waxay xukuntay dhul balaaran oo maanta kamid ah somalia,jabuti,ethiopia,iyo qayb kamid ah kenya, waxay ahayd boqortooyo ganacsi oo xiriir lalahayd suuqyada carabta iyo india
Waxaa lagu qiyaasaa in boqortooyadan ay xukunka haysey muddo ku dhow 400 sano.
Waxay maamushay in ka badan 60% dhulka Geeska Afrika xilligaas.
Boqortooyadu waxay lahayd nidaam milatari oo xooggan iyo sharciyo adag oo bulshada kala hogaamin jiray.
>boqortoyada geledi Q:(18aad-19aad)
boqortoyadan waxay caan ku ahayd xukunkeda awood badan dhanka horumarinta beeraha iyo xiriirka ganacsi ee gudaha iyo dibada. waxaa lagu qiyaasaa in geledi ay maamusho dhul ku dhow 30% somalia wagaas, iyadoo lahayd ciidamo tababar leh iyo nidaam maamul oo horumarsan.
>Saladantii warsangeli iyo majeerteen”
saladintaan ayaa lahayd door muhiim ah oo ganacsi iyo siyaasadeed oo ay lalahaayen dowlado kale sida boqortoyada ingiriiska iyo talyaaniga. waxay lahayen marin badeed muhiim ah oo kamid ah marinada ganacsi ee bariga afrika
“Dowladihii xornimada kadib“
kadib markii ay somaliya xorriyada qaadatay 1960kii, waxaa la’aas aasay dowlad isku dhafan oo qabatay dadaalo horumarineed sida :
.koroka waxbarashada :heerka waxbarashada asaasiga ah ayaa kor ukacay ilaa 65% sanadkii 1980-kii
.cafimaadka:waxa lahergeliyey barnaamijyo cafimaad oo hooyada iyo dhalaanka ah, iyadoo dhimashada caruurta hoos lodhigey 45% sanadihi 1970-80
.dhaqalaha: waxa jirey koboc dhaqaale oo ku dhow 5% gaar ahan dhanka beeraha iyo xoolaha.
Somaliya waxay sido kale kaalin muhiim ah ka ciyartay taagerada wadamada kalesida eriteria iyo jabuuti, iyadoo sido kale bixisey tababaro military iyo taagero siyaasadeed.
“kalintii somaliya ee cawinta dowladaha kale“
somaliya aya kaalin muuqata ka qaadatay halgankii xoriyada wadamada dariska ah iyo xiriirka gobolka:
.waxay siisay taagero militari iyo taagero siyaasadeed wadamada sida eriteria iyo jabuuti iyo xisbiga wadani ee ethiopia.
.waxa lagu qiyaasa in 40% ciidanka xorriyada ee wadamada deriska ahaa ay kayimaaden somaliya ama ay helen tababar dhanka somaliya ah.
.Doorkii somaliya wuxuu ahaa mid horseed uah xasilinta gobolka geeska afrika iyo siyaasada gobolka.
“Gunaanad“
somaliya waa bulsho leh taariikh,hibo iyo gobanimo muuqata oo ay ku faani karto, waxaa muhiim ah in laxasuusto taarikhdaas si loo helo dhiirigalin iyo hagitaan horumarineed oo mustaqbalka ah somlidu waa gob waa iney isqiimeysaa ayada kahor caalamka.


