Xiisadda u Dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed — Warbixin Faahfaahsan


Soomaaliya ayaa hadda wajaheysa mid ka mid ah xiisadaha siyaasadeed ee ugu khatarta badan bilihii dambe, iyadoo la’dagaalanka Al-Shabaab la socdo khilaaf xoogan oo ka dhex aloosanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Maamulka Koonfur Galbeed. Xiisaddani waxay noqotay mid hubeysan, siyaasadna si xun u dhibeysa, xilli dalku uu u baahan yahay midnimo iyo is-garasho.


Asalka Khilaafka

Khilaafku wuxuu si weyn looga dareemay Muqdisho iyo Baydhabo, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu dowladda dhexe ku eedeeyay inay ku lug leedahay dagaallada kasoo cusboonaaday deegaanno ka tirsan maamulkaasi — oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan ciidanka mucaaradka ee la baxay “Badbaada Koonfur Galbeed” kana soo horjeeda Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Isku-dhacan ayaa durbaba furin cusub ka dhex furay dagaalka siyaasadeed ee dalka ku baahsan, kaas oo salka ku haya wax-ka-beddelka dastuurka, hannaanka doorashooyinka, iyo awood-qaybsiga dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada.


Marxaladda Dagaalka

Xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa mareysa meel xasaasi ah, iyadoo ciidamo kala taabacsan labada dhinac ay isku fara saareen gudaha maamulkaasi. Maamulka Laftagareen ayaana lumiyay gacan ku haynta degmooyin muhiim ah sida Xudur, Baraawe, Buur-Hakaba, Afgooye iyo degmada Qansax-dheere.

Dowladda uu hogaamiyaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo waramayaa inay culays aad u weyn saartay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, iyadoo ciidamo fara-badan wali ku daabulayso degmada Buur-Hakaba ee gobolkaas.

Xasaraddan ayaa weji cusub yeelatay 17-kii bishii Maarso, kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu hakiyay dhammaan wada-shaqeyntii kala dhexaysay Muqdisho. Maamulka gobolka ayaa mas’uuliyiinta federaalka ku eedeeyay inay gadaal ka riixayaan qorsheyaal la doonayo in lagu khal-khalgeliyo nidaamka deegaanka, xilkana lagaga tuuro Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).


Jawaabta Caalamiga ah

Safaaradda UK ee magaalada Muqdisho ayaa bayaan rasmi ah soo saartay oo ay ku sheegtay inay “si dhow ula socoto isbeddellada iyo xaaladaha ka soo kordhaya Koonfur Galbeed,” iyadoo xustay in xiisadaha dhowaanahan soo baxay ay halis ugu jiraan inay gabi ahaanba fashiliyaan xaaladda amniga.

Safaaradda ayaa dhammaan dhinacyada ugu baaqday inay muujiyaan is-xakameyn, mudnaanta koowaadna ay siiyaan dejinta xaaladda.


Dadaalada Nabadeed

Ugaas Shire Ugaas Warsame, oo ka mid ah madax dhaqameedka Koonfur Galbeed, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in odayaashu ay la kulmeen madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka, sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyadoo dhammaan dhinacyadu ay muujiyeen diyaar garow lagu joojinayo colaadda iyo dhiigga daadanaya.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa sheegay in Galmudug ay diyaar u tahay inay door ka qaadato xallinta xiisadda, isaga oo carrabka ku adkeeyay in khilaafyada siyaasadeed ay halis ku yihiin xasilloonida iyo horumarka dalka.

Odayaasha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta Koonfur Galbeed inay hubka dhigaan oo ay khilaafkooda ku xalliyaan wada hadal, halkii ay ka adeegsan lahaayeen rabshado.

<Xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed waxay muujineysa in dhibaatooyinka aasaasiga ah ee ku saabsan awood-qaybsiga iyo xukuumadnimada federaalka ay weli xal u baahan yihiin. Isku-dhacan ayaa dhaliyay cabsi weyn oo ku aaddan in xiisadda siyaasadeed ay isu beddesho gacan-ka-hadal iyo amni-darro, xilli dalku uu weli culeys kala kulmayo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, bulshooyin badanna ay dhibbane u yihiin abaaro, barakac, iyo adeegyada aasaasiga ah oo aad u liita. Wadahadal dhab ah iyo heshiis siyaasadeed oo dhinaca labada dhinac laga gaaro ayaa ah xalka keliya ee waara.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *