DEG.DEG:Maxkamadda Sare oo Laashay Natiijadii Doorashada Galmudug

Muqdisho — 24 Agoosto 2026

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug, kuwaas oo dhacay 30-kii Luulyo 2026.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in maxkamaddu ay go’aamisay in doorashadii aan loo maamulin, loona qaban si waafaqsan Dastuurka Soomaaliya iyo Sharciga Doorashooyinka, sidaas darteedna natiijooyinkii kasoo baxay aysan lahayn jiritaan sharci ah.

Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha inuu qabto doorasho cusub oo Galmudug ah, iyadoo la dhowrayo shuruucda iyo habraacyada doorashada.

Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli doorashadii Galmudug ay ka dhalatay muran siyaasadeed oo u dhexeeyay qaar ka mid ah ururradii siyaasadeed ee ka qaybgalay doorashada iyo guddiga doorashada.

Doorashada cusub iyo habka loo qaban doono ayaa hadda noqonaya arrinta ugu weyn ee siyaasadda Galmudug, iyadoo go’aanka Maxkamadda Sare uu sidoo kale saameyn ku yeelan karo doodda ballaaran ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ee Soomaaliya.

AFORA MEDIA | War • Xog • Falanqayn

#Galmudug #DoorashadaGalmudug #Somalia #Election #AFORAMedia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *